Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid oo weliba ku salaysan tii boqortooyada. Buuggaan waxa aynu ugu tegaynaa...